Pienempi tekstikokoSuurempi tekstikoko
Lieksan kirjasto
Lieksan kirjasto > Maahanmuuttajat > Ku soo dhawoow maktabada lieksa (Lieksan kirjasto)
vihjeet 
Ku soo dhawoow maktabada lieksa (Lieksan kirjasto)


Maktaba Lieksa waxaad ka deynsan kartaa

I.               Buugaag, Joornaallo, Cajalado muusig ah, filimo, Buugaaga hadal ahaan cajalado loogu duubey, muusik qoran (nuotit) iyo cajalado CD-ROM ah.

II.              maktabada waxa ay leedahay kombiyutar aad is ticmaali kartid waana lacag la,aan

III.             maktabada waxa laga kopiyeysan kara warqada ama lagala soo bixi karaa kumbiyutarka waraqdaha aad u baahantahay waana lacag. Halki warqad waa 70 senti.

 

 

Waqtiga deynsashada iyo soo celinta:

I.               Boogaagta, cajaladaha muusiga iyo buukaagta hadal ahaan cajaladaha loogu duubey

II.              Waqtigoodu waa afar isbuuc

I.               Cajaladaha muusiga cusub, kuwa CD-ROM iyo Joornaalada waqigoodu waa 2 isbuuc

II.              filimada DVD yada waqtigoodu waa 1 isbuuc

wixi aad deynsatay waa laguu cusbooneysiin karaa illaa shan mar hadii uusan qof kale carbuunan.

 

 

Kaarka maktabada:

kaarka maktabada waxaad wax uga deynsan kartaa maktabada Lieksa, baabuurka maktabada, maktabada Ilomantsi iyo maktabada Nurmes kaarka waxaa heli kara qofwalba waana lacag la,aan helitaankiisa si aad u hesho kaarka waa inaad la timaadid aqoonsi oo aad buuxisid foomka kaarka hadii aad tahay ama ka wayntahay 15 jir.

Caruurta ka yar 15 sano waxay u baahanyihin in uu waalidka ama qofka ka mas’uulka ah uu u saxiixo foomka Waa inaad wadataa kaarka maktabada marki aad dan ka leedahay hadii uu kaa lumo kaarka  waa inaad usoo sheegtaa maktabada islma markiiba sidoo kale hadii aad badasho ciwankaaga waa inaad la socodsiisaa maktabada.

Kaarku waa mid shakhsi ahaaneed wixi lagu deynsado kaarkaaga adigaa ka mas,uul ah.

 

 

Waqtiyada ey furantahay maktabada (kirjasto)

 

I.               Isniin illaa Khmiis saacada                                    10 - 19

II.              Jimcada                                                           10 - 17

III.             sabtida                                                            10 - 15

IV.              axada waa ey xirantahay

 

Bisha lixaad, Todobaad iyo sideedaad sabtida waa ey xirantahay

 

Linkki:

Kirjastoesite suomen kielellä




9.1.2013 15:21